muruq iraadla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruq iraadla'
m.l (-qyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

muruq iraadi ah
m.l (-qyo ..., m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq dhaqdhaqaaqiisa lagu xukumo rabitaan, inta badanna waxa uu ku dhegsanyahay qalfoofka.

muruq sisiban
m.l (-no, m.dh) (cilmiga naflayda) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla' oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruq'iraadi
-ga: (magac, lab, keli) muruq dhaqdhaqaaqiisa lagu xukumo rabitaan, inta badanna waxa uu ku dhegsan yahay qalfoofka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muruqmaal_1
de: labor, strive, use physical strength Lit: milk the muscles
hm: 1
lx: muruqmaal
pd: (muruqmaalay)
ps: v1=idiom
key: muruqmaal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muruqmaal_2
de: labor, manual labor
hm: 2
lx: muruqmaal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: muruqmaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muruqmaalid
m.dh Shaqo gacmeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmaalid
-da: (magac, dhedig, keli) shagan sasho oo cudud ku meelmarid. Dh: shaqaysasho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
SUUQ RAADIN
Marketing
Marketing
Waa tabta loo baaro suuq gelinta ganacsiga guud, tacabka Warshadaha iyo hawlaha aqooneed ee cid u gaar ahi qabato, waana habka siiladaha adduunka isu mariya ganacsigaas, tacabkaas iyo hawlahaas.